Ra’iisul wasaare Gaas: “wadahadalada udhaxeeya Somalia iyo Somaliland waa bilawga midnimada Soomaaliya”

Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas oo kahadlayay shirkii london ku dhexmaray Somali iyo Somaliland ayaa waxa uu sheegay ineey bilaw utahyay dib usoo nooleeynta midnimada soomaaliya.

“Intii ay jirtay xukuumadeyda wadahadalada dhexmaray Somali iyo nidaamka Somaliland waa guulihii ugu waaweeyna aynu gaarno,xaqiiqaduna waxay tahay in ugu danbeynta aan gaari doono midnimo buuxda taasoo muhiim u ah Soomaali oo idil, wax walbo hada waxaan ku bixineeynaa sidii ay walaalaheen Somaliland ula midoobi lahaayeen walaalahood kale oo ay u ilaalin lahaayeen midnimada muqadaska ah” sidaa waxaa yiri Ra’iisul wasaare “Gaas”.

Gaas waxa uu sheegay in waxa isaga anfacaya ay tahay inuu u adeego shacabka Soomaaliyeed, sidookale waxa uu sheegay in dad badan ay kula taliyeen inuu isku soo sharaxo doorashada madaxtinimada Soomaaliya inkastoo uusan wali si shaac baxsan isku sharaxin “Gaas”

Ra’iisul wasaare C/wali ayaa sidookale kahadlay waxyaabihii uqabsoomay mudadii halka sano ahayd ee uu xilka hayay waxa uuna sheegay in xukuumadiisa ay wax kaqabatay wadahadalada iyo dib uheshiisiinta beelaha soomaaliyeed dhexdooda ah, sidookale waxa uu sheegay ineey horumar ka gaareen dhanka ammaanka, waxa uu hadalkisia kusii daray in istiraatiijiyada ay xukuumadiisa dajisay shabaab looga saaray Caasimada iyo magaalooyin kalo katirsan Koofurta.

C/wali waxa uu balan qaaday in hadii isaga markale ladoorto uu wadanka oo idil kasaari doono Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here