Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo ka Tacsiyey Dilkii Xildhibaan Riino

Raysul wasaaraha oo cambaareeyay dilkii xildhibaanka
Raysul wasaaraha oo cambaareeyay dilkii xildhibaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiweli sheekh Axmed Maxamed ayaa ka tacisyeey dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Xildhibaan Isaaq Maxamed Cali (Riino) oo maanta ku geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa. Mudane Cabdiweli ayaa uga tacsiyeeyey qoyskii, eheladii, asxaabtii, xildhibaanada iyo qaranka uu ka tegay xildhibaanku, isagoo Illaah uga baryey in uu jannadiisa ka waraabiyo.

“ Waxaan si tiiraanyo leh uga tacsiyeynayaa dilka xildhibaan Isaaq Maxamed Cali oo maanta gacan ka xaq daran ku dishay magaalada Muqdisho, kaddib markii gaarigiisa loogu xiray waxyaalaha qarxa. Waxaan Illaah uga baryayaa in uu Jannadiisa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskii iyo ehelkii uu ka tegay” Sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa ereyada ugu adag ku canbaareeyey falkan argagaxisonimo ee lagu dilay xildhibaanka, isagoo ku tilmaamay mid bahalnimo ah oo aan qiil lahayn, islamarkaana ka baxsan qiyamka iyo dhaqanka diinta Islaamka. Mudane Cabdiweli ayaa balnqaaday in qaranka Soomaaliya uu ka guuleysan doono cadawgiisa.

“ Waxaan canbaaraynayaa weerarkan aragaxisinimo ee lagu dilay xildhibaankan u adeegayey ummadda Soomaaliyeed. Waa fal dhiigyacabnimo ah oo ka tarjumaya afkaarta gurracan ee lagu banaysanayo dhiigga dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

“ Waxaan u sheegayaa Kuwii geystay falkan iyo kuwo kale oo ka horreeyey oo dad qaali ah ay ku dhinteen in iyagu ay dhammaanayaan, waana laga adkaanayaa haddii alle idmo. Waqtigii iyo cimrigii kooxaha nabad-diidku waa dhamaad, iyaga ayaana khasaaraya”.

“ Weerarkan fuleynimada ah wax saamayn ah kuma yeelanayo dadaalada iyo horumarka ka socda dalka oo dhan. Waan heli doonaa denbiilayaashii ka dameeyey waana ciqaabi doonaa si ay u eedaan ficilada xun ee ay geysteen”

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed waxa uu Illaah uga baryey xildhibaan Maxamuud Cali Dhuux oo qaraxaasi ku dhaawacmay in uu ka soo kabto dhaawacaasi. Dr. Cabdiweli ayaa sheegay in weerarada noocanah ay yihiin kuwo lagu bartilmaameedsanayo dadka muhiimka ah ee shaqooyinka u haya bulshada isagoo shacabka ugu baaqay in ay ka gacan siiyaan dowladda sidii ay u sugi lahayd ammaanka dalka.

Ugu damayntii, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa faray hay’adaha ammaanka qaranka in ay baaritaan buuxa ku sameeyaan falkan guuracan, isla-markaana caddaaladdana la horkeeno dhagar-qabayaashii ka dameeyey

1 COMMENT

  1. dilkii xildhibaankii feysal ka dib waxaa la sameeyey koox dilalka qorsheysan fulisa iyo weerarkiii villa somaliya kana shaqeysa riyo maalmeedka beesha darood 23 sanno ka dib in aysan soomali yeelan Nabad waarta qof haduu xanuun qalbiga ku dhaco hadiii uu ku weynaado waan la soconaa fadeexadii R/w ka soo qabsatey dalxiiskiii kismaayo shirkii amniga loogaga hadlaayey oo aan lagu casuumin Jabhadii r/w taagersana raskabooni markaa waa in fal la sameeyo si indhaha iyo dhagaha loogaga leexiyo fashilkii aqoon la,aaneed iyo kibirkii darood iyo rafaadka shacabka kismaayo
    waayo waaa arin shaqeyn weesey 23 Sanno waayo soomali waa wada walaalo midba midka kale u baahan waa qaxooti aan heysan meel uu ku nooolaado ujeedada ka dambeesa waa in leysku diro madaxda sare si soomaliya dowladeeda loo fashiliyo waana cadowga soomaliya kooxda dilka fulisey waa koox qandaraas ku qaaatey dhiiga shacabka soomaliya waa in sooomaliya hagardaamo iyo isku dir lagu kala qeybiyaa si loo wado dagaal aan dhamaad laheyn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here