Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo Booqday Xeryaha Ciidamada XDS +Sawiro

Ra’iisul wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo uu wehliyo wasiirkiisa Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa shalay waxay kormeer shaqo ku tageen Xeryaha Ciidamada XDS ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Xeryaha ay kormeerka ku tageen ayaa waxaa kamid ah,  isbitaalkii xoogga, kuliyada Jaalle Siyaad, xirada guul wadayaasha iyo wasaaraddi Gaashandhiga waxa ayna aheyd u jeedada kormeerka R/wasaaraha inuu ogaado dhismaha xeryahaasi maadaama ay xukuumadu qorsheyneyso in dib u dhis ay ku sameyso xeryaha ciidamada qalabka sida gaar ahaan militariga.

Sidoo kale doowlada Mareeykanka ayaa isla shalay wasaarada gaashaandhiga Soomaaliya ku wareejisay xarunta Saadka iyo Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Villa Baydhaba kadib markii ay soo gabagabeysay dib u dayactir ay ku wadday xaruntaasi.

abaanduulaha ciidammada Xoogga Sarreeye Guuto C/kariin Yuusuf Aadan “Dhagabadan” ayaa sheegay in ciidammadu ay u dhisan yihiin sidii lagu yaqaannay, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay gutaan waajibaadkooda, haddii ay helaan qalab.

Mr Jeam oo ka socday wasaaradda arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa rajeeyey in dhismaha xarunta iyo sidoo kale Taakuleynta Mareykanku uu u sameyna ciidammada Militariga Soomaaliyeed in la marsiin doono wadadii loogu talagalay.

Doowlada Soomaaliya, ayaa aad ugu howlan dib udhiska Ciidamada XDS si ay ula wareegaan amaanka dalka, waxaana maalmahaan socday olole ay doowlada ugu jirto in QM ay ka qaado xayiraada hubka ee saaran si loo qalabeeyo Ciidamada doowlada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here