Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan GeeskaAfrika

Ra’iisulWasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa kuqaabilay Ergeyga gaarka ah ee ururka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha GeeskaAfrika Mr. Alexder Rondes iyaga oo ka wadahadlay horumarinta xiriirka DowladdaSoomaaliya iyo ururkaasi Midowga Yurub oo kaalin mugleh ka qaata taageeradaDowladda.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteenXafiiska ayaa waxaa ugu horeyn warbaahinta la hadlay Ra’iisul WasaarahaXukuumada isaga oo xusay in Mr. Rondes ay ka wadahadleen sidii loo horumarinlahaa xiriirka ka dhaxeeya Dowladda iyo Midowga Yurub, isaga oo ku ammaanayinay qeybta ugu weyn ka qaataan sidii loom eel marin lahaa qorshaha TubtaNabadda (Roudmap), taasoo ah howsha ugu weyn ee hortaaga Dowladda FederaalkaKMG ah ee Soomaaliyeed xilliga kala guurka.

“Midowga Yurub waxaan ku ammaaneynaataageerada ballaaran ee ay u fidiyaan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waanataageeraha ugu weyn ee gacanta ka geysta sidii loo dhaqangelin lahaa Qorshehowleedka dowladda ee Roudmap” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kaletilmaamay inay ka wadahadleen sidii ururku uga fulin lahaa dalka mashaariickala duwan sida, Caafimaadka, Beeraha, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo dib udhiska.

Dhankiisa waxaa isna warbaahinta ka hadlayMr. Alexander Rondes oo guul ku tilmaamay inuu markii labaad muddo koobanbooqasho ku yimaado Madaxtooyada Villa Somalia uuna wadahadalo miro dhal ah laqaato madaxda dowladda oo uu ugu horeeya Ra’iisu Wasaare Dr. Cabdiweli isaga oohoosta ka xariiqay in waxyaabo badan oo ay ka wadahadleen ay si wanaagsan isulameel dhigeen.

“Waxaan ku faraxsanahay guulaha laga gaaraysugida Amniga ee caasimadda iyo dardargelinta howlaha Roudmap-ka, waxaanataageersanahay dhameystirka qorshe howleedka Roudmap-ka” ayuu yiri Mr. Rondesoo xusay in dowladda Soomaaliya ka sugayaan sidii ay u gaari laheyd dhamaambagobolada dalka si looga bilaabo mashaariic horumarineed.

—-Dhamaad—-

 

1 COMMENT

  1. Asc dhamaan dad weynaha somaliyed wan idin salamey salan ka.dib dadka soamali ineey qawil iska dayan o 23 sano aya qawil laso wadey marka waxan u baqaya beesha darood o dhib ween ka wadan muqdisho

Comments are closed.