Ra’iisul Wasaaraha oo maanta booqday dhaawacyada Qaraxii Baar Fatxi (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo ay wehlinayaan xubno katirsan golaha Wasiirada ayaa saaka booqday dhaawacyada ku jira Isbitaal Madiinokuwaasoo ku waxyeeloobay Qaraxii ka dhacay labo cisho ka hor Baar Fatxi.

Wasiirada ku wehliyay Ra’iisul Wasaaraha booqashadiisa ayaa waxaa ka mid ahaa WasiirkaCaafimaadka Dr. C/casiis Sheekh Yuusuf, Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdulqaadir Maxamed Jaahweyn, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dr.Cali Nuur Ducaale, Wasiir kuxigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha Mudane Daahir XaajiGeelle iyaga oo mid mid u kormeeray dhaawacyada ku jira qeybaha kala duwan eeIsbitaalka.

Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo arkay dhaawacyada qaar ayaa aad ulayaabay sida ay dadku u gubteen wuxuuna ku tilmaamay arrin musiibo ah oo mudanin la cambaareeyo talaabona laga qaado dhagar qabayaasha falkan kula kacayshacabka aan waxba galabsan ee Soomaaliyeed.

“Runtii arrintani waa musiibo, kuwa dhibaatadan u geystay shacabkaana Insha allaahu weyku naartegayaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo si gaar ah ugu mahadceliyaydhaqaatiirta Isbitaal Madiino uu uu ugu horeeyo Dr. Maxamed Yuusuf oo uusheegay in shacabkan dhaawacmay ay u fidiyeen gargaar deg deg ah.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa cambaareeyey kooxda khawaarijta ah ee Al shaaaboo iyadu ku faantay falkan waxash-nimada ah isla markaana sheegatay, wuxuuna kutilmaamay koox dhiigyo cabyo ah, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed uga digay inayguryahooda ka soo maleegaan falalka noocan oo kale ah ama ay gacan siiyaankooxdaan.

“Kooxdan insha allah dhowaan waa laga cirib tirayaa dalka, laakiin shacabka Soomaaliyeedwaa inay nagu garab ciidamada Amnigana ay la shaqeeyaan, sababtoo ah qofdhuumanaya oo hadana naftiisa haligaya waa Qatar, waase laga hortegi karaahaddii shacabka iyo ciidamada Amnigu wada shaqeeyaan” ayuu mar kale yiriRa’iisul Wasaare Gaas oo ugu dambeyntiina u duceeyey in dadkii dhintay iyo kuwadhaawaca ah Alle bogsiiyo dowladda Soomaaliyeedna ay wixii karaankeeda ah garabsiin doonto dadkan dhaawaca ah.

—-Dhamaad—-