Ra’iisul Wasaaraha oo ku dhawaqay xukuumad ka kooban 10 Wasaarad

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ku dhawaaqay liiska Golaha Wasiiradda cusub.

Munaasabada ku dhawaaqista oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari, Golaha Wasiiradda cusub iyo Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka.

Liiska uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu ka kooban yahay Toban Wasiir, kuwaasoo qaarkood xilal kasoo qabtay xukuumadihii KMG ee hore, waxayna kala yihiin sidan:.

1-Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, Ra’isulwasaare Kuxigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda

2-C/laahi Abyan Nuur, Wasiirka Wasaaradda Garsoorka, Cadaalladda, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

3-C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, Wasiirka Gaashaandhigga

4-C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka

5-Maxamuud Xasan Suleymaan, Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta

6-C/laahi Cilmooge Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

7-C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Dalka

8-Muxidiin Maxamed Kaalmooy, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska

9-Maryan Qaasim , Wasiirka Hormarinta iyo Adeegga Bulshada

10-Maxamuud Axmed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

Wasaaradda arrimaha dibadda Somalia ayaa markii ugu horeysay waxaa loo magacaabay Haweeney, iyadoo sidoo kale Golaha cusub ay Haweenka ka heleen labo xubnood taasoo ah mid xukuumadda cusub ay wax badan kaga badalan tahay xukuumadihii hore.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here