Ra’iisul wasaaraha Masar oo booqasho ku tagaya Gazza

War ka soo baxay dowladda Masar ayaa lagu sheegay ra’iisal wasaaraha dalkaas in uu maalinta berri ah uu booqon doono mariga Gaza, si uu Falastiiniyiinta dhibka ku jira ugu muujiyo taageerada ay u heeso dowladda Masar.

Booqashada ra’iisal wasaaha Masar ayaa ku soo beegantay iyadoo Israel ugu yaraan 15-qof oo Falastiin ah ku dishay weerar xagga cirka oo ay ka geesatay marinka Gaza tan iyo shaley, waxa ku jira afar carruur ah.

Dhinaca kale, seddax Israel ah ayaa ku dhintay weerar hoobiyaal ah oo ay kooxo Falastiin ka soo tuureen mariga Gaza maanta oo khamiis ah.

Israel waxay lee dahay ilaa 200 oo hoobiyaal ah ayaa ku soo dhacay dhinaca Israel maanta oo kaliya.

Wariyaasha ku sugan Gaza ayaa soo sheegaya in laga cabsi qabo xiisada ka taagan halkaas in ay isku badasho dagaal xooggan oo u dhexeeya Israel iyo Xamaas.

Wasiirka arrimaha dibedda Ingiriiska William Hague ayaa sheegay Xamaas inay ka masuul tahay xiisada ka taagan Gaza sida uu hadalka u dhigay, waxana dhinacyada dagaalamaya ugu baaqay in dagaalka ay joojiyaan.

Dhinaca kale, madaxweynaha Masar Maxamed Mursi ayaa cambaareeyay weerarka cirka ee Israel ka geesatay Gaza, waxana Masar ay u yeertay safiirkii ka joogay Israel.

Boqolal qof oo ka soo horjeeda Israel ayaa dibadbax ka dhigay magaalada Qaahira.

Hoggaamiyaha siyaasada Xamaas Khaalid Meshacal ayaa Reuters u sheegay inay iska caabin doonaan Yuhuuda .

Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabaas Abuu Masim ayaa la sheegay in uu soo gaabiyay safar uu ku joogay Switzerland, waxana uu ku soo laabtay daanta Galbeed si uu u qaboojiyo xiisada.

Xiisadan u dhexeysa labada dhinaca waxay ka bilaabatay markii Israel shaley ay ku dishay weerar cirka ah hoggaamiye sare oo ka tirsan Xamaas Axmed Jabiir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here