Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, oo maanta kahor hadlayay golaha shacabka baarlamaanka kadib ansixintii wasiirada dhinaay, ayaa sheegay in xukuumadda uu hogaamiyo ay maalmaha soo aadan wafdi heersare ah udiri doonto maamul goboledka Puntland.
Ra’iisulwasaaraha oo dhinacyo badan kahadlayay ayaa sheegay in Xukuumadiisu ay ku dadaaleeyso fidinta maamulada, islamarkaasna xukuumadda ay masuul katahay dhamaan gobolada dalka laakiin ay qadarinayaan dadka daga ama ku nool deegaanka.
Raysul wasaaraha ayaa baarlamaanka u sheegay in waqti dhow wafdi wasiirro ah uu u diri doono gobollada dhexe ee dalka.
“Dhowaan waxaanu diri doonaa wafdi ballaaran, oo nalaka sugaayo gobolada dhexe. Duruufta awgood way noqotey inaan daahno laakiin waanu degdegeynaa.” ayuu yiri raysul wasaaraha.
Sidoo kale RW ayaa sheegay in ay wafdi udiri doonaan magalada Garowe ee xaruunta maamulka Puntland, oo hada ay kajiraan Xiisado siyaasadeed islamarkaasna ku aadan mudo kororsiga Madaxwewyne Faroole
Wadahadalada Somaliland muxuu ka yiri?
Ra’iisulo wasaare Saacid, ayaa sidoo kale waxa uu soo hadalqaaday wadahadaladii udhaxeeyay doowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, RW ayaa sheegay in halkooda laga sii wadi doono wadahadaladaas.
“Wadahadalkii Somaliland iyo anaga noo dhexeeyay waanu sii wadeynaa, waxaanu rajeyneynaa inaanu ka Gaarno waxaan ka fileyno oo aad ugu rajoweynahay oo ah midnimada Soomaaliya.” ayuu yiri raysul wasaaraha
Hadalka Ra’iisulwasaaraha ayaa imaanaya xili uu maanta baarlamaanka uga mahad celinayay sida ay codka kalsoonida usiiyeen wasiiro ku xigeenadii uu maalmo kahor magacaabay.
ninkaan wuu iska hadlay nura,warkiisa wax ka soo qaad maleh nura waan ka helay ii soo dir telkaaga nambarkiisa
Wiilkaan Siyad Barre adeerka u yahay. kuna soo baxay lacagtii tuugada aheyd u ka siiyay Bangiga Somalia. oo aheyd canshuurta
laga qaadi jiray suuqa xamar iyo suuqa Berbera.
Waan ognahay in gurigiisa uu qado sagootis ah ugu sameyn jiray
ciidanka baadiyaha Gado la keeno oo loo wado in ey dad ku soo
laayaan Hargheisa. Markii cidankii Somalidu ahaa ee joogay Waqooyi ey qaban waayeeen in ilmo adeeradood IRIR laayaan.
Maanta caqli xumadiisa Raisal wasaaar isku sheegu, waa iloobay cararkii iyo jabkii ka raacay xaqdaradii adeerkiis.
Hadaba, maantu la soo istaagay Waqooyi waa gumeyn?
Bal aan aragno waxa ka raac !!!!!
Sxb wadanka asaga ka ah prime minester sland wax layirahdo majiro wa wada smaliya irir na garanena sida lotumo ok