Ra’iisal Wasaarihii hore Cabdiweli Gaas oo booqasho ku tegey degmada Galdogob

R/wasaarihii hore ee Soomaliya Proff Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa booqasho ku tegey degmada Galdogob oo ka tirsan gobolka Mudug.

R/wasaaare Gaas ayaa la sheegay in booqashadiisu ay la xiriirito sidii uu u ogaan lahaa xaalada nololeed ee ka jirta degmadaas oo ah halka uu ka soo jeedo.

Gaas ayaa la kulmay mas’uuliyiinta degmada Galdogob iyagoo ka wadahadlay xaaladaha ka jira deegaankaas. Wararka ayaa sheegaya in R/wasaarihii hore oo ah hadda xubin ka tirsan baarlamaanka uu damacsan yahay in uu u tartamo xilka madaxweynaha ee maamulka Puntland.

Bilowga sanadka 2014ka ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo doorasho madaxweyne maamul goboleedka Puntland iyadoo haatan siyaasiyiinta ka soo jeeda Puntland ay wadaan qorshayaal ay xisbiyo siyaasi ah ku furanayaan.

Cabdiweli Cali Gaas ayaa  todobaadkii hore ku  wareejiyey Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya R/wasaaraha cusub ee dhowaan uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here