Ra’iisal wasaarihii hore Britan Margaret Thatcher oo geeriyootay

Ra’iiasal wasaarihii hore ee dalka Biritan Margaret Thatcher ayaa ku geeriyootay magaalada Lodnon kadib makrii uu ku soo booday xanuunka qallalka.

Waxaa kaloo jirra warar sheegaya in xididada maskaxda dhiigga ku shuba ay istaageen, sida uu sheegay Afhayeenkeeda.

Margaret Thatcher ayaa ku dhimatay da’da 87 jir, waxaana ay caalamka ka ahayd xubin muhiim ah muddo toban sano ka badan ayaa muddooyinkii u dambeeyay xanuunsaneyd.

Afhayeenkeeda Lord Bell waxa uu yiri: “waa murugo weyn in Mark iyo Carol Thatcher ay ku dhawaaqaan in hooyadood Baroness Thatcher ay si nabad ah u geeriyootay markii uu ku dhacay cudurka stroke saaka. Warbixin dheeraad ah ayaa goor dambe la soo saari doonaa.”

Baroness Thatcher waxa ay ahayd Raiisul Wasaare ka tirsanaa xisbiga muxaafidka ee dalka Ingiriiska sanadihii u dhexeeyay 1979 ilaa 1990.

Waxa ay ahayd haweeneydii ugu horreysay ee qabata jagadaasi Raiisul Wasaaraha UK.

Margaret Thatcher waxa ay isbeddel weyn ku sameysay siyaasadda dalka Britain markii ay awoodda qabsatay sanadkii 1979.

Waxa ay sameysay isbeddelo xagga siyaasadaha dhaqaalaha, oo ay ku jirto shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo xakameynta ururada shaqaalaha, taasi oo ka dhigtay qofka loogu jecel yahay marna qofka loogu neceb yahay siyaasiyiinta dalka.

Thatcher oo lagu naanaysi jiray “haweenaydii birta ahayd” waxay noqotay ra’iisul wasaarihii keli ahaa, uguna horreeyey ee haweenay ah ee dalkaasi yeesho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here