Ra’iisal wasaare C/weli oo gaaray Qoryooley

Wararka ka imaanaya magaalada Qoryooleey ayaa sheegaya in halkaas uu maanta gaaray wafdi uu hogaaminayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya,Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Socdaalka ra’iisal wasaaraha uu ku tagay Qoryooley waxaa ku wehliya wasiirka beeraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Axmed Baafe, wasiir ku-xigeenka difaaca mudane Cabdalla Xuseen Cali, wasiir ku-xigeenka caafimaadka mudane Axmed Aadan Axmed, xildhibaanno, taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Daahir Aadan Cilmi, taliyaha ciidanka booliska Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa maalinkiisii labaad socdaal ku jooga gobolka Shabeellaha hoose, isagoo shalay soo gaaray xarunta gobolka ee Marka oo uu kulamo kula yeeshay madaxda iyo odayaasha magaalada Marka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here