Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo isbadal ku sameeyay golaha wasiiradiisa

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa isbadal kooban ku sameeyay qaar ka mid ah golaha wasiiradiisa.

Warqad ka soo baxday xafiiskiisa oo nuqul ka mid ah heshay shabakadda Midnimo ayaa lagu sheegay in ra’iisal wasaaraha uu isbadal ku sameeyay qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumada iyo magacyadooda.

Warka qoraalka ah ayaa lagu yiri Mudane Saacid ayaa sheegay in Wasaarada arrimaha dibadda maanta laga bilaabo ay tahay ‘’Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga’’

Sidoo kale Wasaaradda Warfaafinta ayaa loogu yeerayaa ‘’Wasaaradda Warafaafinta Isgaarsiinta iyo Gaadiidka’’

Sidoo kale waxa la sheegay in wasaaradda howlaha guud oo ka mid ah wasaaradaha isbedelka lagu sameeyay hadda kaddib loogu yeeri doonaa ‘’Wasaaradda Howlaha guud Dekedaha iyo Gaadiidka Badda’’

Waxa kaloo warka lagu yiri howlihii dalxiiska iyo duurjoogta in ra’iisal wasaaruhu sheegay in si ku-meel-gaar ah loo hoos geeyay xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Ugu dambeyn ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in golaha wasiirada, wasiir ku xigeennada iyo wasiiru-dowlayaasha ay sidoodii yihiin oo aan waxba isbadal ah lagu sameen.

Ma cadda wax yaabaha hadda keenay isbadal in lagu sameeyo qaar ka mid wasaaradaha xukuumadda oo ah illaa 10- kuwaasoo qaarkood madaxa la isku galiyay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here