Raggii dilay Wariyad Hindiyo oo la maxkamadeeynayo

Raggi dilay wariye Hindiyo Xaaji oo la maxkamadeeynayo
Raggi dilay wariye Hindiyo Xaaji oo la maxkamadeeynayo

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ee dalka, ayaa  maanta lagu wadaa in ay dhageysato dacwad loo heysto ilaa shan nin oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilkii Allah u naxariistee Hindiyo Xaaji Maxamed, oo ka tirsaneyd warbaahinta qaranka.

Maxkamada waxaa ku sugan qareenada u doodaya eedeysanayaasha, eheladooda iyo dadweyne u yimid dhageysiga maxkamadda.

Raggan oo lagu eedeyay dilka Allah u naxariistee  Hindiyo Xaaji Maxamed, ayaa waxaa gacata ku soo dhigay hey’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka, ayagoo maanta ka soo hor muuqan doono cadaaladda horteeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here