Rag watay gaari iyo bastoolad oo lagu qabtay Muqdisho [Akhriso]

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay qabatay rag hubeysan iyo gaari ay wateen kadib baaritaan laga sameeyay Suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Laamaha amaanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in baaritaanka ciidamada ay ka sameeyeen Suuqa Bakaaraha lagu soo qabtay afar ruux oo watay bastoolado iyo gaari NOHA ah.

Afarta Ruux ayaa lagu eedeeyay inay bastooladaha ku dhici jireen dadka shacabka ah, waxaana afhayeen u hadlay wasaarada amniga uu sheegay in raggaasi hadda ay ku jiraan gacanta dowladda.

Afhayeenka wasaaradda amniga Axmed Maxamuud Carab ayaa sheegay in  baaritaano ay ku socdaan afarta ruux ee lasoo qabtay.

“Afartaan nin iyo gaarigaas ay wateen dadka shacabka ah ayeey ku dhici jireen iyaga oo wata bistoolado waa niman u bareeray dhaca shacabka, balse Hay’adaha ammaanka ayaa ka hortagay inay falkaasi sii wadaan oo gacanta ku soo dhigay.” Ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga.

Dad badan oo shacab ah oo ku nool xaafadda XamarJadiid ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka cabanayay dhac ay sheegeen inay u geysan jireen kooxo hubeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here