Rag rabay in ay qaraxyo la beegsadaan madaxweynaha oo lagu qabtay Baladweyne

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay qabteen rag ay ku sheegeen in ay qorsheynayeen in ay qaraxyo u geysteen wafdigi madaxweynaha ee maalin ka hor socdaal ku tagay magaalada Baladweyne.

Sarkaal ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa u sheegay warbaahinta in ay gacanta ku hayaan ilaa iyo shan nin kuwaasi oo ay ku jiraan dad ajnabi oo uu ka gaabsaday inuu shaaciyo dalalka ay u dhasheen.

Mas,uulkan wuxuu ku adkeysanayaa in ay wadaan baaritaano iyo su,aalooyin la weydinayo raga la qabtay, isaga oo intaasi raaciyey in ay maxkamad soo taagi doonaan.

Dhawaan waxaa magaalada Baladweyne waxaa booqasho ku tagay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh horay ayaa loo beegsaday maalin kadib marki loo doortay xilka madaxweynaha bilowgi bishi September, weerarkaasi oo is qarxin oo uu ka badbaaday Al Shabab ayaa sheegtay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here