Rag la Soo Farmuuqay oo Maanta Lagu Qabtay Magaalada Jowhar

Saraakiisha Dowlada ee Magaalada Jowhar ayaa Maanta ka warbixiyay howlgalo ay ka sameeyeen Magaalada Jowhar,iyagoo sheegay inay gacanta ku soo dhigeen Rag lagu tuhunsanaa inay yihiin Alshabaab.

Howlgalka oo balaarnaa ayaa lagu soo qabtay ilaa Todobo Nin oo ay Saraakiisha howlgalka fulineysay sheegeen in loo soo farmuuqay.

Taliyaha ciidamada Nabad Sugida Gobolka Shabeelaha Dhexe C/wali Ibraahim oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ilaa Todobo Nin oo la soo farmuuqay.

Taliyaha ayaa cadeeyay in ay heleen xog ku aadan Ragan,taasina ay u sahashay inay gacanta ku soo dhigaan Ragan Todobada ah.

C/wali Ibraahim oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Ragan Maalmihii u dambeeyay ay ku sugnaayeen Magaalada Jowhar, wuxuuna sheegay in Nimankan ay si weyn u Tuhmayaan.

Taliyaha ayaa sheegay inay ku sameynayaan Baaritaano xoogan, isagoo sheegay inay su’aalo ay ka mid yihiin xiriirka ay Alshabaab la leeyihiin Ragan.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka socda baaritaano iyo howlgalo aan dhamaad lahayn, waxayna ciidamada Dowlada helayaan warar hoose iyo xog ku saabsan ragii la shaqeyn jiray Alshabaab kuwaasoo ku sugan magaalada Jowhar.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here