Rag ku hubeysan dareyska ciidamada dowlada oo wiil iyo aabihiis ku dilay degmada Afgooye

Kooxo ku labisnaa darsska ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya ayaa xalay ku dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose wiil iyo aabihiis.

Dilka oo ka dhacay xaafada Hiliwaaleey ayaa ka danbeeyey kadib marki ragan hubeysan ay rasaas ku fureen tukaan ay ku sugnaayeen labada ruux ee la dilay.

Qaar ka mid ah qaraabada wiilka iyo waalidka la dilay ayaa sheegay in dadleeyda hubeysan oo ay uga shakisanyihiin in ay ka mid yihiin ciidamada dowlada ay tukaanka xabadeeyeen marki laga furi waayey kadibna ay ka qaateen lacago gaareysa 8 milyan oo shilin Soomaali ah.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo kasoo jeeda degmada Afgooye ayaa cambaareeyey dilkaasi isaga oo ugu baaqay saraakiisha ciidamada dowlada ee halkaasi jooga in ay wax ka qabtaan amaanka.

Degmada Afgooye ayaa waxaa maamula ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kuwaasi oo la wareegay mudo iminka laga joogo laba bilood.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here