Rag ka Tirsan Madax Jabiska Al-Shabaab oo Ciidamada Baydhabo Gacanta ay ku Dhigeen

Maamulka dowlada Soomaaliya ee magaalada Baydhabo ayaa ka warbixiyay rag ay u soo qabteen dilal qorsheysan oo maalmahii u danbeeyay si bareer ah kaga dhacayay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay,

Taliyaha ciidamada Nabadsugida Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay Shiine Barre Isaaq oo la hadlay Saxaafada ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobalkaasi ay gacanta kusoo dhigeen rag badan oo lala xariirinayo falalka amaandari ee ka jira deegaanada baydhabo oo loo geysanayay shacab Mas’uul intaba..

Waxa uuna Sidoo kale uu sheegay Taliyaha ciidamada Nabad Sugida ee magaalada Baydhabo ay suurta gashay in ragaan ay gacanta ku soo dhigaan ciidamada amaanka howlgalo ka sameeyay xaafadaha Baydhabo.

Shiine Barre Isaaq Taliyaha ciidamada Nabadsugida Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay  ayaa sidoo kale sheegay in ragaani ay marayaan baaritaano lagu ogaanayo danbiyadooda islamarkaana hadii ay ku cadaato uu sheegay in ay wajahayaan ciqaab adag.

Dadkaan ayaa la soo qabtay iyagoo wata bastoolado inta badan ay u isticmaalaan madax jibiska.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here