Rag hubeysan oo xalay laba ruux ku dilay magaalada Gaarisa

Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday hotelka Jubba ee magaalada Gaarisa halkaasi oo ay ku dileen ilaa iyo 2 ruux oo caan ka ahaa magaalada.

Weerarka oo dhacay xalay fiidki ayaa waxaa qaaday kooxo wajiyada soo duubtay oo ku qalabeysnaa qoryahah boobayaasha iyo bistoolooyin, waxaana ay rasaas ku fureen banaanka hore ee hotelka Jubba oo ku yaala wadada Kismaayo Road.

Dadka dhintay ayaa ahaa rag ganacsata ah, halka ay ku dhaawacmeen laba kale oo kala ahaa Sheekh Maxamed Cumar oo ka mid ah culimada sida weyn loogaga qadariyo Gaarisa iyo ganacsade Nuur Sheekh Yuusuf.

Taliyaha ciidanka booliska ee magaalada Gaarisa Leo Mwangisa ayaa sheegay in falki xalauy u qabteen dad ay uga shakisanyihiin.

Ma ahan marki ugu horeysay oo kooxo hubeysan ay weerar ka geystaan magaalooyinka ku yaala gobolka Waqooyi bari ee Kenya, ee horay yaa sidaan oo kale loo weeraray magaalooyinka Wajeer, Gaarisa iyo xeryaha qaxootiga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.