Rag hubeysan oo saakay toogtay mid ka mid ah gudoomiyaasha Xaafadaha degmada Wadajir

Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa ayaa saakay toogtay gudoomiyaha xaafada Xaawa Taako degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho Tuurre Digniin Afrax.

Marxuumka la dilay ayaa ku sugnaa meel lagu qaxweeyo oo ku taalo xaafada Suuqa Weyn sida uu inoo xaqiijiyey gudoomiye ku xigeenka degmada Wadajir Macalin Maxamuud Saneey Afrax.

“Waxaa dhacay saakay shil naxdin leh, laba nin oo hubeysan ayaa toogtay gudoomiyihi xaafada Xaawa Taako Tuurre Tigtiin Afrax, waxa uu fadhiyey meel maqaayad ah oo lagu qaxweeyo aroorti hore ee saakay, ragi dilay wey baxsadeen hada waxaan ku jirnaa dabagal iyo baaris,” ayuu yiri.

Waa dilki ugu horeeyey oo mas,uul ka tirsan degmada Wadajir loogu geysto gudaha degmada mudo ka badan 3 sano.

Degmada Wadajir ayaa ka mid aheyd meelaha ugu daran ee lagu ugaarsado Al Shabaab, mana dhici jirin in ay Al Shabaab dad ku dilaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. Waa yaab ee, tan ha idiin ahaato cibaaro,,oo ka digtonaada falkan oo kale..
    Ilaalada dadiya habeen iyo maalin, ciidamada iyo guddixaafadeedkana hala howlgeliyo..si ay u tilmaamaan dadka dhibta wada.

    Bye

Comments are closed.