Rag hubeysan oo Muqdisho ku dilay haweeney ka shaqeysa wacyigalinta Talaalka

525279-01-02_JPGKooxo hubeysan ayaa maanta magaalada Muqdisho ku dilay haweeney ka tirsaneed kooxaha talaalka caafimaadka.

Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Shariif Yuusuf Maxamed, ayaa waxaa toogtay nin ku hubeysan bastoolado iyadoo xilligaas ka baxeysay gurrigeeda kuna sii jeeday goobteeda shaqo.

Waxaa xaqiijiyay dilka haweeneydan wiilkeeda Ibraahim Xaaji Yuusuf oo la hadlay VOA-da.

Wasaarada caafimaadka dowladda ayaa xaqiijisay in haweeneydan ay ka tirsaneed kooxaha kormeerayaasha goobaha talaalka ee degmada Wardhiigleey.

Ma jirto cid loo soo qabtay dilka haweeneydan lagu dilay magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here