Rag hubeysan oo magaalada Gaalkacyo ka afduubay nin cadaan ah

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in in kooxo hubeysan ay ka afduubteen Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo uu ka arimiyo maamulka Galmudug nin ajnabi ah.

Sarkaal ka tirsan ciidanka booliska Gaalkacyo oo lagu magacaabo Cabdi Xasan Nuur ayaa xaqiijiyey inuu arkay kooxo hubeysan oo ka dajiyey baabuur uu la socday isla markaana saartay gaari ay wareen nin cadiin ah.

Ninkan ayaa la afduubay wax yar kadib marki uu maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo isaga oo arimo gargaar u tagay halkaasi sida ay sheegayaan wararka aanu ka heleyno Gaalkacyo.

Wasiir ka tirsan maamulka Galmudug oo qariyey magaciisa ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in ninkan uu ahaa Injineer dhinaca dekadaha ah, isla markaana uu u yimid gobolka Mudug sidi uu qiimeyn lahaa dib u dhis la rabo lagu sameeyo dakada Hobyo.

Lama oga cida ay yihiin kooxaha afduubay, laakin waxaa looga shakisanyahay burcad badeed.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.