Rag hubeysan oo dhacay xawaalada Mustaqbal laanta degmada Waabari

Rag hubeysan ayaa maanta barqadi dhacay xarunta shirkada xawaalada Mustaqbal laanteeda degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka booliska ee saldhiga Waabari, Axmed Xuseen Axmed ayaa xaqiijiyey in xarunta ay shin nin oo hubeysan ka dhaceen lacag gaareysa $2,600 (Laba kun iyo sideed boqol oo doolar), kuwaasi oo marki ay lacagta qaateen baxsaday.

Sarkaalkan aaya sheegay in ay wadaan baaritaan ku aadan raga dhacay lacagta oo uu sheegay in ay u carareen dhanka isgoyska KM-4 iyaga oo watay buu yiri gaari Runner ah oo buluug ah.

Waa marki labaad oo ay kooxo hubeysan dhacayaan mid ka mid ah xawaaladaha lacagta ee magaalada Muqdisho, dhawaan ayey dhac u geysteen xawaalada Jubba laanteeda Suuqa Bakaaraha kooxo hubeysan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.