Rag hubeysan oo caawa dilay madaxii ganacsatada Suuq Bacaad

Waxaa caawa maqribki lagu dilay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, gudoomiyihi gudiga ganacsatada Suuq Bacaad.

Goob joogayaal ayaa xaqiijiyey in laba ruux oo hubeysan ay ku toogteen banaanka hore ee gurigiisa oo ku yaala xaafada Suuq Bacaad marxuumka oo lagu magacaabi jiray Saciid Fiidoow.

Mr. Fiidoow ayaa mudooyinkanba ahaa gudoomiyaha ganacsatada Suuqa labaad ee ugu weyn Muqdisho ee Suuq Bacaad, walina lama oga sababta loo beegsaday.

Dilkan ayaa ah kii labaad oo maanta ka dhaco Muqdisho, barqadi maanta ayaa degmada Xamar Jajab lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada nabadsugida Dowlada KMG Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here