Rag ajnebi ah ooa lagu qabtay Puntland

osi7

Maamulka Puntland , ayaa shaley warbaahinta u soo bandhigay  laba nin oo u kala dhashay Wadamada France iyo Britain, kuwaasoo la sheegay in ay howlo basaas ay ka wadeen Puntland.

Raggaan, ayaa waxay Puntland soo galeen 20-kii bishii April ee sanadkaan, iyadoo mudadaasina ay ka hawlgalayeen Garoowe, xilli ay iska dhigayeen kuwo Puntland ka taageeraaya tababarka Ciidamada iyo suggida ammaanka.

Wasiirka amniga ee maamulka Puntland Khaliif Ciise Mudan oo shir jaraa’id shalay gelinkii dambe ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in labada nin ee ay hayaan markii hore ay ku soo galeen qaab hay’ad aan dowli ah -NGO, taas oo ciidamada Puntland ka caawinaysa dhinaca tababarrada.

Wasiirka, ayaa sheegay in labada nin ee Ajaaniibta ah, ay ka tirsan yihiin Shabakad wax basaasta, inkastoo aanu sheegin dalka ay sida rasmiga ah uga hawlgalasho.

Khaliif Ciise Mudan, ayaa xusay in ay soo bandhigi doonaan cadeymaha ka dhanka ah labadaan nin, marka ay horkeynayaan Maxkamada, sida uu yiri.

Bishii April ee sanadkan ayay ciidamada badda ee Puntland xireen 80 nin oo u dhashay waddanka Iran, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay si sharci darro ah uga kalluumaysanayeen xeebaha maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here