Radio loogu magac daray Dalsan oo kusoo biiray idaacadaha tirada badan ee ka shaqeeya Muqdisho

Munaasabad daaha looga rogayay Idaacada cusub ayaa shalay lagu qabtay Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho, iyadoo Idaacadan ay ka mid noqoneyso Idaacadaha faraha badan ee ka howl gala Caasimada Muqdisho.

Idaacadan cusub oo lagu magacaabo Dalsan Radio ayaa munaasabadii xariga looga jarayay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, sida Xildhibaano, Qeybaha bulshada rayidka, Ururada Saxafiyiinta, Axsaabta Siyaasada, Fanaaniin iyo Abwaano.

Cali Muse Cabdi oo ah rugcadaa saxaafadeed ugana yimid magaalada Nairobi ka qeybgalka iyo furida Dalsan Radio oo ka hadlay munaasabadaasi ayaa sheegay in idaacad la furo aysan waxba soo kordhineyn balse ay muhiim tahay tayo , waxaana uu u rajeeyey in idaacada oo marka loo fiiriyo ay madax ka yihiin xubno ehel u ah horumarinta hay’adaha warbaahineed ee Soomaaliya ay wax ka badali karto hanaanka saxaafada dalka iyo tabinta wararka saxda ah.

“Idaacadu ma ahan iney noqotaa iney gelin hore mas’uul wax looga sheegaa gelinka kalena wax looga sheegaa , dhexx dhexaadnimadu waa muhiim” ayu yiri Cali Muuse oo ah tifaftiraha bariga afrika ee wakaalada wararka Faransiiska ee AFP.

Prof. Maxamed Cumar Dhalxa, Xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar, C/laahi Sheekh Xasan iyo Cadde Gaabow duqii hore ee Muqdisho ayaa hadaladooda u badnaa in idaacada ay noqoto dhex dhexaad iyo meel ay umada fikirkooda ku dhiibtaan si saliim ah .

Waxaa in la xuso mudan fanaaniin caan ah oo ka tirsan hobolada waaberi ayaa lagu sharfay in ay mudnaan gaar ah ku lahaadaan madashaasi iyadaoo fanaanka caanka ah ee Cabdi Tahliil oo hada ah qof xanuunsan si gaar ah loogu sharfay inuu ku dhawaaqo in ay idaacadu furan tahay isaga oo ay hareero tagnaayeen fanaaniin ay ka mid ahaayeen Abwaan Siciid Maxamed Harowo iyo abwaan Maki Xaaji Banaadir.

Xasan Cali Geesey oo ah agaasimaha Dalsan Radio oo gunaanad kixaflada ka hadlay munaasabada ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixiyey qorshayaasha idaacada , waxaana uu sheegay in ay nqon doonto mid dhex dhexaad ah oo suura gelin doonta in ay si xor ah fikirkooda u gudbiso dhamaan qeybaha siyaasada isku haya una hiiliso dadka aan waqtigu u saamixin in ay codkooda gaarsiiyaan halka ay doonayaan sida Haweenka , caruurta , axsaabta aan hubeysneyn ,

Mr Geesey oo ka soo shaqeeyay xarumo kala duwan oo war baahineed ayaa intaa ku daray in idaacadu ay noqon doonto mid dhex dhexaad ka ahaata siyaasadaha is diidan ee Soomaaliya si simana ay ugu adeegi doonto shacabka soomaaliyeed, isla markaana aysan jiri doonin koox ama dhinac si gaar ah loogu dulmiyo ama loogu adeego iyada oo dadka ka howl galayana ay yihiin saxafiyiin xog ogaal u ah xaalada dalka uuna ku hanweyn yahay in ay yihiin kuwo dhacdo kasta runta ka abaara xoogana saari doona tabinta barnaamijyada diiniga ah iyo ilaalinta midnimada umadda soomaaliyeed iyada oo la tixgelinayo fikradaha loo arko in ay wax dhisayaan ee shacabka soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in idaacada olole lagu caawinayo ama dibada loogu qaadayo Fanaan Cabdi Tahliil ay ku bilaabi doonto barnaamijyada cusub ee ay baahin doonto.

Idaacadan ayaa ka mid noqoneysa Idaacadaha FM-ka ee faraha badan ee ka dhisan Caasimada Muqdisho, iyadoo furitaankeeda ay ku soo aadeyso xilli xasaasi ah, oo Wariyeyaasha ay bartilmaameed u noqdeen dhinacyada isaga soo horjeeda siyaasada dalka.

Laakiin Idaacad kasta oo la furo macno ma sameyneyso hadii aysan karti, hufnaan iyo dhex dhexaadnimo aysan hawada la soo gelin, hase ahaatee Idaacadaha Muqdisho xilligan waxay yihiin kuwo ku milmay siyaasadaha iska soo horjeeda, Idaacadba hadaad maqasho in subixii ay u sacba-tumeyso siyaasi, galabkiina ay wax ka sheegeyso ayaa ah astaamaha ay ku caan baxeen Warbaahinta ka howl gasha Magaalada Muqdisho dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Idaacadaha waxay ku shaqeeyaan shuruuc iyo xeerar u degsan saxaafada, oo aan marna lagu xad-gudbin, waxaana u horeysay anshaxa saxaafada iyo dhex dhexaadnimada, hadii taas la helin Idaacada ma noqoneyso mid sumcad ku lahaata bulshada, bedelkii dhanka wanaaga wax ka sheegi laheydna ay huriso, colaada iyo dagaalada.

Dad badan oo aqoonyahan ayaa aaminsan in idaacadaha in aysan wax badan ka bedelin arrimaha bulshada, nabada, horumarka, marka laga reebo inay wax sii huriyaan xaalada siyaasadeed iyo dagaalada dalka ka jira, qaarkoodna waxay u arkaan inay ku fiicnaan laheyd, Idaacado kooban oo tayo leh.

 

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.