Rabshado maanta ka dhacay Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaas maanta ay ka dhaceen banaan baxyo rabshada wato, iyadoo sidookalena Ciidamada maamulka Puntland ay rasaas xoogan ku fureen dadkii isku soo baxay.

Banaanbaxa maanta ayaa ahaa mid ay dhigayeen shacabka magaalada oo iskood isu soo abaabulay, xili ay shacabka si weyn uga cabanayaan sicir bararka magaalada ka jira iyo siyaasada xukuumada Puntland.

Ciidamada dowlada gaar ahaan ciidamada Bada iyo kuwa Boliiska ayaa rasaas xoogan ka riday xaafada Laanta Hawada iyo Wadada Laamiga halkaasi oo ay ka dhaceen mudaharaadyo ay dhigayeen dad rayid ah.

Dhinaca kale waxaa illaa iyo hada hawada magaalada Bosaaso dul heehaabeysa diyaarad helikobter ah oo ay adeegsadaan ciidamada Bada oo uu ku rakiban yahay qoriga Dhashiikaha.

Mudaharaadka maanta ayaa kusoo beegmay xili ay shaqaalaha dowlada ay ka cabanayaan mushahar dhimis ay dowlada todobaadkan ku dhawaaqday.

Arbacadii lasoo dhaafay ayey magaalada Bosaaso gadood ka sameeyeen ciidamada Darawiishta kuwaasi oo weli ku sugan magaalada Bosaaso.

Banaan baxaan iyo rabshadahaan maanta ka dhacay Boosaaso ayaa imaanaya xili shalay madaxweynihii hore ee Puntland General Cade Muuse, uu maamulka Faroole ku eedeeyay inuu jajuub iyo cadaadis ku haayo shacabka, waxaana uu ku baaqay in lakala diro baarlamaanka hada jira sidoo kale waxa uu ku baaqay in la qabto doorashooyin Xor ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here