Rabshado ka dilaacay Senegal kadib go,aanki maxkamada

Rabshado ayaa ka dilaacay dalka Senegal kadib marki ay maxkamada sare go,aan ku gaartay in  madaxweyne Abdoulaye Wade uu markiisi sadexaad u tartami karo doorashooyinka bisa soo aadan dhici doona.

Dibad baxyo ayaa is qabsaday magaalada caasmada ah ee Dakar iyadoo dab la qabad siiyey dhismooyin iyo xarumo kale, taayaro ayaana wadooyinka ku holcaya.

Sarkaal boolis aha ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay rabshadaha inti lagu guda jiray kala orod iyo dhagxeyn ay wadeen mudaaharaadayaasha iyo ciidanka booliska oo la tacaalayey in ay xakameeyaan.

Mr Wade, oo ah 85 jir ayaa kasoo muuqday TV-ga isaga oo ugu baaqay shacabka in ay is dajiyaan.

Madaxweynaha ayaa labadi jeer ee ugu danbeeysay ku guuleystay doorashooyinka, laakin tastuurka dalkaasi ayaa dhigayey in sadex jeer uusan qof qaban karin xafiiska madaxweynaha.

Mucaaradka ayaa goor hore ka digay in tani ay keeni doonto dibad baxyo waaweeyn, durbadiina weyba bilowdeen, waxaana laga cabsi qabaa in xaalada ay kasii darto.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.