Qurba joogta Soomaaliyeed oo raja xumo kamuujiyay waqtiga lagu ansixinayo dastuurka

Soomaalida kunool qurbaha ayaa waxay dood kakeeneen mudada lagu ansixinayo dastuurka oo ah 9 maalmood,qurbo joogta ayaa is weydiiyay qofka masuulka ah ee kaqeyb galaya ansixinta dastuurka mudada uu ubaahnaan karo inuu turxaan bixiyo dastuurka kadibna uu fikirkiisa kadhiibto.

Qurba joogta ayaa aaminsan in 9 maalmood mustaqbalka soomaaliyeed aan lagu soo gabagabeyn karin isla markaasna ay ubahantahay in lasiiyo waqti kufilan.

Doowlada ayaa sheegtay in shirka shalay golaha ansixinta uga furmay magaalada muqdisho uu socon doono 9maalmood ,islamarkasna dastuurka uu shaqeyn doono xitaa hadii aysan ansixin eragada loo xilsaaray ineey ansixiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here