Qudbadi madaxweyne Sharif oo soo jiitaya dareenka baarlamaanka iyo dadka Muqdisho

Waxaa xalay kusoo gaba gaboobay magaalada Muqdisho fadhi ay baarlamaanka ku dhageysteen soo jeedinta siyaasadeed ee 10-ka mid ah 25-ka musharax ee u taagan xilka madaxweynaha.

10-ka musharax oo ay ku jireen sadexda nin ee loo saadaalinayo in midkood uu kusoo baxo madaxweynaha soo socda ee Soomaaliya waxa uu midba ka hadlay qorshahiisa uu dalka ku hogaamin doono hadii la doorto.

Inkastoo ay jireen musharaxiinta hadashay qaar waxqabad wanaagsan sheegay, qaar dadka ka qosol siiyey iyo kuwo kale, hadana qudbadi madaxweyne Shariif ayaa aheyd mid soo jiidatay dareenka baarlamaanka.

Sheekh Sharif ayaa sheegay in marki dowladiiisii KMG aheyd lagu soo dhisay Jabuuti uu Muqdisho yimid markaasina lagu bilaabay dagaalo iyo madaafiic, ilaa xukumadi koowaad ay bilow dowladnimo la timid, tii xiktayna ay amaanka wax ka qabatay, halka xukumadi ugu danbeysay ay halka hada la joogo soo gaarsiisay sida uu hadalka u yiri.

Meelaha uu dadka ku qanciyey waxaa ka mid ah inuu xooga saari doono koboca dhaqaalaha iyo amaanka, oo uu sameyn doono in Somalia lagu sameeyo maalgashi, kor uqaadida ganacsiga iyo in amaanka uu xoojin doono si dowlada xigta ay dadka si xor ah usoo doortaan.

Maanta ayaa lagu wadaa in baarlamaanka ay mar kale fariistaan oo ay dhageystaan qudbadaha 15 musharax oo ka tirsan musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in 42-kadib ay ka dhacdo gudaha dalka Soomaaliya 10-ka bishan September.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

2 COMMENTS

  1. marka hore dhaman wansalamay shacabka somaliyed mida xiga somaliya waxadoqonima ah in xiligan qabileysi iyo nin jecleysi ey kawantobi weydo ani waxan qaba fikir ahan 21 sano kabaxdi waxano surta gashay dorasho kadhacda gudaha somalia musharixin barlamankena kahor aqriya waxaeyqaban donan iyo kmg onkabaxno waxan uga mahad celineyna allah shikh sharifna wadalyay waxow qabtay wax lagu fano onan kabaran madaxdi kahoreysay mahadsanid sh sharif magaca hajiro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here