C/raxman Faroole: Tastuurka cusub ee Soomaaliya waa in la waafajiyaa kan Puntland (Dhageyso)

 

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole ayaa ka shan qariyey in tastuurka cusub ee la filayo in loo sameeyo Soomaaliya la waafajin doono kan Puntland.

Qudbad uu shalay ka jeediyey furitaanka shirka wadatashiga ee ka socda magaalada Garoowe ayuu ku sheegay barnaamijkan geedi socodka Soomaaliya ee Roadmap uu dhamaan doono 20-ka bisha August ee soo aadan markaasi kadibna loo gudbi doono dowlad sax ah oo ay dadku soo doorteen.

Waxa kale oo uu carabka ku dhajiyey in dastuurka Soomaaliya la waafajin doono kan Puntland iyo dastuurada maamulada kale ee ka jira dalka.

“Roadmapka wuxuu dhamaan doonaa 20-ka August 2012 iyadoo markaas lasoo dooranayo baarlamaan ka yimaada dadweynaha, dastuurkaan aan hada rabno in aan wax ka badalno waxaa la waafajin doonaa dastuurada ka jiro Soomaaliya sida kan Puntland iyo kuwa kale ee ka jira dalka,” ayuu yiri.

Mr Faroole ayaa kusoo cel celiyey sida ay Puntland u taageersantahay barnaamijka Roadmap isaga oo hoosta ka xariiqay in ay ku qanacsantahay sida ay hada u socdaan.

“Waxaan oran karayaa tukumintiyadaan loo yaqaano roadmapka inuu yahay kii ugu muhiimsanaa ee soo mara dalka wixi ka danbeeyey Ckarterki lagu soo dhisay dowlada KMG ee dhigayey in dalka lagu maamulo federaal, Puntland wey taageersantahay weyna sii taageersanaan doonaa barnaamijkaan.” ayuu yiri.

Dadka lafa gura siyaasada waxay leeyihiin Puntland sababaha ay ugu ololeyneyso barnaamijka Roadmap waxa weeye tastuurka cusub oo la filayo in qodobo ka mid ah kusoo bixi doonaan marka laga hadlayo awood qeybsiga in xildhibaanada ay ku imaan doonaan iyo jagooyinka sare sida qabiilada ay u kala dhul badanyihiin.

Si kastaba ha ahaatee, dadka Soomaaliyeed ayaa ka dhur sugaya waxa kasoo naasa cadaan doono shirka wadatashiga oo maalinta birto ah la filayo in lagu soo gaba gabeeyo magaalada Garoowe.

Waxyaabihii Looga Hadlay Shirkii Garawe 1

Waxyaabihii Looga Hadlay Shirkii Garawe 2

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com