Qoys uu darbi ku dumay Caawa Maqribkii degmada Jowhar

Breaking-News53-300x1682Wararka ka imaanaya degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in qoys degganaa degmadaasi uu darbi ku dul dumay.

Hal cunug oo da’diisa lagu sheegay 7 bil jir ayaa waxa la sheegay in shilkaasi uu ku dhintay halka wiil ay mataano ahaayeen wiilkaasi uu dhaawac soo gaaray.

Sidoo kale hooyada dhashay Carruurtaasi ayaa dhaawac waxa uu kasoo gaaray darbiga ku dul dumay iyadoo jug xoogan ay kasoo gaartay dhinaca Sinta.

Darbiga dumay ayaa waxa la sheegay in muddo aan la dayactirin waxaana shilka uu ka dhacay Xaafada Kulmis ee Degmada Jowhar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here