Qoys Hindi ah oo diiday gabar yar oo ay dhaleen, maxay tahay sababta?

Lamaane Hindi ah ayaa diiday in gabadh ay dhaleen kadib marki lagala laabtay wiil ay saraakiisha isbitaalka si qalad ah u siiyeen iyaga oo u celiyey hooyadi dhashay magaalada Jogpur ee galbeedka dalka India.

Labada canug ayaa hal habeen ku wada dhashay isbitaalka todobaadki lasoo dhaafay waxaana umulisooyinki dhaliyey ay si qalad ah u siiyeen wiilka lamaanaha kala ah  Poonam Kanwar iyo syegeeda Chain Singh.

Laakin marki la qaaday tijaabada loo yaqaano DNA oo lagu ogaado dhiiga dadka is dhalay ayaa la xaqiijiyey in wiilka aysan laheyn qoyska reer Singh, sidaasi ayaana loogaga celiyey, hase yeeshee wey diieen gabadhuna wali waxa lagu hayaa qeybta xanaanada ee isbitaalka magaalad Jodpur ee  Umaid Hospital .

Waalidiinta dalka India ayaa aad u daneeya ama u jecel in ay dhalaan wiilasha iyaga oo ka xumaada marka hooyada ay umusho gabadh sababo la xiriira xaalado dhinaca dhaqaalaha.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.