Qoxoorti badan oo u dhashay dalka Mali ayaa ku dayacan Mauritania

Sida ay warisay Jimcihii hey’adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF, waxaa dalka Mauritania ku nool tobanaan kun oo qof kuwaasoo ka soo cararay colaada ka taagan dalka Maali.

Dadkana ayaa lagu soo warramayaa in ay xeryo Qaramada Midoobay ay uga dhistay dalka ay dariska yihiin ee Mauritania.

Xaaladooda ayaa la sheegay in ay aad u xuntahay, qaar badan ayaa xanuunsan markii ay yimaadeen sidaas waxaa warisay Medecins Sans Frontieres.

Hal suuli ayaa u dhisan oo ay ka dhexeeysaa in ka badan 3,000 oo ah dadkaasm,iyadoo ay jiraan kuwa cusub oo immaanaya xerada kuwaasoo iskood guryo aan tababar lahayn ka hagoogtay goobta.

Xaaladda waa mid quus ah oo aad u liidaya sidaas waxaa sheegtay MSF, tan iyo markii Faransiiska uu hoggaamiyay faragalin lagu sameeyay dalka Maali bishii January.

Tirada carruurta ayaa la sheegay in toddobaadkii ay ku dhacaan xaalad macluul ah, taasoo hadda laba laabantay.

Qiyaastii 70,000 oo qoxooti ah ayaa ku nool xerada Mbera oo ku taalla meel duleedka ku taalla dalka Mauritania, MSF ayaa sheegta in dadkaas ay diideen in ay dib ugu soo labtaan ilaa inta xaaladda dalka ku yaalla waqooyiga Africa uu saldhiganaayo.

Dadkan qoxootiga ayaa la sheegay in maalintii ay helaan 11 Liter oo biyo ah, iyadoo kuleelka meesha ay tahay 50C (122F) , mana lahan wax musqulo ama suuli ku filan dadkan, qaar kood guryaha ayaa suuli uu ah.

MSF ayaa horrey u sheegtay in xaalada ay ku sugan yihiin dadkan ay tahay mid aad u xun bishiii November ee kal horre carruurta qaar badan oo ka yer da’da labado sanno waxa ay dhintaan nafaqo daro.

MSF waxa kaloo ay lee dahay toddobaadki waxaa xerada Mbera yimaada dad lagu qiyaasa 1,500 ilaa 2,500 ,”

Si kastaba, hey’adda QM u qaabilsan qoxootiga UNHCR waxa ay billowday in ay guryom biyo nadiif ah, caafimaad iyo cunno ay siiso dadkan.

MSF waxa ay lee dahay dadkan xaaladooda waa ay ka soo wanaagsanaaneysa maalmahan dambe.

Wariyaha BBC-da ee ka faalooda arrimaha Africa Mary Harper, ayaa waxa ay lee dahay haddii aan xaaladda aysan waxba iska badalin in laga cabsi qabo in ay ka dilaacan xeryaha ay ku nool yihiin dadka soo barakacay cuduro halis ah oo ay ku jiraan shubanka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here