Qoryooley oo caawa deggan

Qoryooley oo caawa deggan
Qoryooley oo caawa deggan

Dagaal goos-goos ah ayaa maanta ka dhacay magaalada Qoryooley ee koofurta dalka Soomaaliya, halkaas oo shalay ay galeen ciidammo ka socda Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya, si ay ugala wareegaan dagaalyahannada xarakada Al Shabaab oo magaaladaas gacanta ku hayay.

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Qoryooley waxaan ka wareysanay C/qaadir Maxammed Nuur oo ah guddoomiyaha gobolka Shabeelada Hoose.

Weriyaha BBC-da Maxammed Ibraahim Mucallimuu, oo Qoryooley ku sugan ayaa wareystay guddoomiyaha, waxaana uu sheegay in Qoryooleey uu ka dhacay dagaal xooggan, balse ugu dambeyn laga qabsaday Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in magaalada ammaankeeda la xoojin doono dadkii ku noolaana ay dib ugu soo laaban doonaan sidda uu yiri.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here