Qooqaani: 3 ka tirsan Ciidamada Kenya oo ku dhimatay Qarax Miino

541316_189444101190415_1695623732_nWar goordhow naga soo gaaray deegaanka Qooqaani ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya eek u sugan halkaas qarax Miino oo xoogan lala eegtay.

Goob joogayaal ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay ayaa xaqiijiyay in 3 kamid ah Ciidamada Kenyanka oo la socday gaariga uu qaraxa haleelay ay halkaas ku geeriyoodeen, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale goob joogayaashu waxay warbaahinta u xaqiijiyeen in qaraxa uu ahaa qarax meel ay Ciidamada Kenya Biyo ka dhaansadaan lagu aasay.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa insha alaah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here