Qofna Arragtidiisa kuma ahan Dambiile (Faallo)

qofnaCabdullaahi Nuur Maxamed (Kolombo) oo ka tirsannaa wariyayaasha Idaacadda Voa (Voice Of America) laanteedda afka Soomaaliga ku baxda ayaa iskaga tagay shaqaddi uu ka hayay Idaacaddaas .

Shaqo ka taggida Cabdulaahi Kolombo ayaa timi ka dib kolki ay is qabteen Madaxa Laanta Afka Soomaaliga ee Voa-da Cabdiraxmaan Yabaroow Weheliye , Ismaandhaafka Yabaroow & Kolomki ayaa salka ku haya ka gaddaal kolki Wariye Kolombo Maqaal lagu daabacay Barro warreedyadda Soomaalida uu ku weeraray qormaddiisa Madaxda dawladda Soomaaliya , Gaar ahaan Wasiirka Koowaad ee dhowaan xilkaas loo Magacaabay Cabdiweli Sheekh Axmed oo uu ku tilmaamay qof qabyaaladda aad ugu durrugsan .

Sidoo kale Kolombo waxa uu ku xussay qormaddiisa in Cabdiwali & Xassan Sheekh ay yihiin kuwo ka wadda tirsan Urrurka Damul-Jaddiid (Dhiiga-Cusub) ee Soomaalidu ku sheegaan in Madaxda dawladda Soomaaliya ay ka tirsan yihiin .
Kolombo ayaa ku aaddiyey qormaddiisa Maalinti Wasiirka koowaad loo magacaabay Cabdiweli Sheekh Axmed waxa uu ku tilmaamay Maalintaas Kolombo MAALIN MADDOOW in ay u tahay dadka Soomaaliyeed.

Wariye Kolombo ayaa sheegay kolki uu baahiyey Maqaalkiisa in Cabdiraxmaan Yabarow usoo jeeddiyey in uu raali-galin ka bixiyo qormaddiisaas oo uu ku tilmaamay Yabaroow mid gaf ah oo Kolombo kula dul dhacay Madaxda dawladda Soomaaliya .
Shalayto ayay ahayd Kolombo kolki uu ka tagay shaqaddi uu ka hayey Voa-da qaybteedda Afka Soomaaliga .
Waraysi uu Kolombo siiyey Bog warreedka Barta Internait-ka lagu daalacdo ee Dayniile.com waxa uu ku tilmaamay shaqo ka teggidiisu in ay timi ka dib kolki Yabaroow cullays ku saaray in uu raali-galin ka bixiyo Qormaddi Kolombo kaga hadlay xaaladda siyaasad hoggaamiyayaasha dalka Soomaaliya .
Kolombo ayaa sida uu sheegay ku adkaystay in aannu dib qalad ugu tilmaamayn qormaddiisa oo uu sheegay in ay ahayd arragtiddiisa ku aaddan Madaxda Soomaaliya , kunna macneeyey qormaddiisi mid ahayd waajib Qaran oo uu dadkiisa ku tussinaayey shakhsiyadda Wasiirka Koowaad ee Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed & Urrurka Damul-Jaddiid oo uu sheegay in ay dalka hobbaaq ku riddayaan ,aynna tahay in dadka Soomaaliyeed ka kacdoommaan tallo haynta Urrurka Damul-Jaddiid waa sida uu haddalka u marriyaye .

Bidix-kolombo & Yabaroow

Bidix-kolombo & Yabaroow

Ka Faallood .
Idaacadda Voa qaybteedda Afka Soomaaliga ku baxda ayay horray uga taggeen warriyayaal ka horreeyey Cabdulaahi Kolombo ,Warriyayaashaas ayaa ku tilmaamay ka taggidoodda is-khilaaf soo kala dhex galay iyaka iyo Madaxda qaybta Afka Soomaaliga Cabdriraxmaan Yabaroow .
Isa soo tarka warriyayaasha dhumminaaya ka shaqaynta Voa-da laanteedda afka Soomaaliga ayaa ah mid la orran karro waa wadda shaqayn xummo ka immaanaysa dhanka Cabdiraxmaan Yabaroow , taas oo ah mid u eg in Cabdiraxmaan Yabaroow ku xad gudbaayo doonnitaanka qofka u gaarka ah iyo aragtidda uu la nool yahay oo uu gudbin karro si ka baxsan howsha uu ka hayo Idaacaddaha usoo gudbinaayo .

Iswayddiinta la iswayddiin karro ayaa ah Xeer Saxaafaddeedku ma mid warriyaha ka hor istaagaaya arragti dhiibashaddiisa isaga oo aan kolkaas marrinayn laan warreedka uu ka shaqaynaayo mise waa mid xeerku ogol yahay in qofku gudbin karro aragtiddiisa iyo ka hadal dhiibashaddiisa dhacdooyinka siyaasaddeed ee ka dhacaaya dalkiisa oo isagu (warriyuhu) kan usoo gudbiya bulshadda xogga qarsoon ee siyaasaddeed ee uu u arki karro mid dhib ku ah Bulshadda guud ahaanteed .

Ma jirro Xeer Saxaafaddeed xorriyadda aragti dhiibashadda ka qaadaaya qofka warriyaha ah , aragtiddaas oo ah mid ku aaddan ka hadalka siyaasadda dalkiisa , waxaa jirta in saxafiyiinta muddada dheer ku soo dhex jirray wax laga wayddiiyo aragtiddooda ku aaddan hoggaanka dalka iyo siyaasadda ka jirta dalkiisa .
Dhinaca kale waxay warriyayaashu si iskood ah usoo gudbiyaan bulshadda qormooyin ay ugu iftiiminayaan xoggo ka qarsoon oo la xirriira sooyaalka shakhsiyaadka hoggaanka dalka leh .
Xaq ayuu u leeyahay saxafiggu in uu aragtiddiisa ka dhiibto siyaasadda dalka , Taasu ma ahan mid saamayn ku yeelan karta shaqadda uu ka hayo idaacad si gaar ah loo leeyahay in mid dawladdeedba .
Shaqadda iyo aragtidda qofku ma ahan kuwo isku lifaaqan , ma ahan in qof kaa aragti duwan ayddin isku shaqo ahaan karro , qof kastinna waxa uu leeyahay aragti u gaar ah .

Haddii Cabdulaahi Kolombo arko in Soomaaliya ay ka dhaxlayso hoggaaminta Damul-jaddiid dhibaato ku soo korrorta dalka ,Cabdiraxmaan Yabaroowna qabbo in Urrurka haatan Hoggaanka u haya siyaasadda dalku yahay mid isbadal ku samaynaaya xaalka murrugsan ee dawlad la’aanneed ee dalka Soomaaliya , ma ahayn in Yabaroow ku collaadiyo Cabdulaahi Kolombo Aragtiddiisa u gaarka ah ee uu la nool-yahay .

Shaqo ka taggida Cabdulaahi Kolombo shaqadda uga tahay cullayska ugu yimmi Yabaroow ee ah aragtiddaada ku tilmaan mid aan mudnayn muujin waa gaf shakhsiyadda Cabdulaahi Kolombo uu kula kacay Cabdiraxmaan Yabaroow .

Waxaynnuna ku tilmaami karraa Dhibbanihi Aragtiddiisa , dhanka ka shaqaynta Voa-da oo uu waayey Kolombo ma ahan dhibku oo shaqo kale ayuu helli karaa ase waa ku gafka maxaad aragtiddaas u lahaatay .
Qofna sida uu arko haka carroon , sababta oo ah isaga ayaa sidaas in ay tahay qabba , haddaad ka carrooto waxay ka dhigan tahay addiga oo diiddan samayska kala maan duwannaanta dadka .
Qofna arragtidiisa kuma ahan dambiile ,qofki u arka arragtidda qofka kale mid dambi u samaynaysa isla markaana ay ka dhalanayso shaqo ku waayid waa qof ka durrugsan u bislaanta kala arragti duwannaanshaha bini’aadamka iyo kala la’aanshaha arkidyo kala gaddisan oo qof walbi si u arko hab dhaqanka siyaasiga iyo siyaasadda dalka .

Arragti aamminsannaantu ma ahan mid looga tanaasullo qof , ma ahan mid lagu xeerriyo dan gaar ah sida shaqo iyo qancinta qof , Cabdulaahi Kolombo waxa uu qaatay hab shakhsiyaddiisa u ah sumcad ka gaddaal kolki uu baneeyey shaqaddi uu ka hayey Voa-da qaybteedda Afka Soomaaliga , halka ay qofnimaddiisa ku ahayd gaf in uu dib uga noqdo arragtiddiisu ay dheehdeen dadka Soomaaliyeed intoodda aqrisatay.

Af-meerrid .


dalabka Cabdiraxmaan Yabaroow ka dalbadday Cabdulaahi Kolombi in uu qalad ku tilmaamo arragtidiisa ay bulshadda Soomaaliyeed la waddaagtay oo uu dib usoo saaro qormo uu middiisi horre ku sheegaayo tu uu raali-galin ka bixinaayo , Cabdiweli Sheekhna yahay qof uu u gafay oo aan lahayn eeddaymaha uu usoo jeeddiyey , waa dalab xad-guddub ah oo uu Yabaroow kula kacay Cabdulaahi Kolombo .

Ugu dambayn wadda shaqayntu ma ahan in arragti qur ah ay wadda aaminsannaaddaan Madaxda shaqadda iyo shaqaaluhu , haddii uu saas u fakarro Madaxu waxay ka dhigan tahay xorriyad ka xayuubin iyo ku gaf qofka shaqaallaha ah .
Kolombo In uu arragtidiisa ku waayo shaqaddiisu waa mid muujinaysa In Cabdiraxmaan Yabaroow yahay shakhsi ka marran  si qumman u guddashadda howsha madaxnimo ee Voa-da qaybteedda afka Soomaaliga uu ka hayo , isla markaana ku tigri-falaya awoodda Madaxtinnimo .

W/Q: Idris A. Dooxa Joog

1 COMMENT

  1. aragtidaa waxay mid gaaban oo laga dheehan karo mid xaasidnimo oo cidda ku badan ma waxaad arki weyday horumarka muqdishow iyo guud ahaan dalka ma waxaad arki weyday muqdisho oo mugdi fadhida misbaaxda midka u shidee madaxweeyne maqaan dowladeed midka mudee magac ku yeeshay madaxweeyne mooryaanta mooshinkooda midka masaxee madaxweeyne masuul magacweeynoo maraay ku daaban madaxweeyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here