Qof Rayid ah oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Sida ay sheegayaan dadka ku dhaqan degmada Heliwaa waxaa xalay kooxo ku hubeysan ku dileen halkaasi mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Heliwaa.

Qofka la dilay ayaa ahaa nin dhalinyaro ahaa waxaana kooxaha ku hubeysnaa bistooladaha rasaas la beegsadeen xilli uu salaadii cishaha kasoo baxay isagoona goobta ku geeriyooday.

Mid ka mid ah dadka deegaanka meydka qofka la dilayna dul tagay ayaa Midnimo.Com usheegay in ciidamada dawlada goobta gaareen kadib falka markii uu dhacay ehelada marxuumka la dilay ayaa meydkiisa daqiiqado kadib meesha ka qaaday.

Dilka markii ay fuliyeen ayey kooxihi hubeysnaa ka baxsadeen goobta waxaana baaritaano meeshaasi kasameeyeen ciidamada dawlada inkastoo aysan howlgalkooda cidna kusoo qabanin.

Degmada Heliwaa ayaa waxay noqotay kawaanka dadka rayidka ah waxaana dad badan lagu dilay,qaarkoodna isku dayo naftooda lagu beegsanayey ayey ka badbaadeen waxaana maamulka degmadaasi dhawr jeer ay sheegeen inay falalkaasi wax ka qabanayaan.

Gudoomiyaha maamulka degmada Heliwaa Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa waxa uu maalin ka hor saxaafada usheegay in amaanka demadaasi ku guuleysteen la iskuna haleyn karo waxaana taasi been yiri amni darada oo weli ah mid kasii socota degmadaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here