Qof is qarxiyey oo 30 ruux ku dilay dalka Yemen

Ugu yaraan 30 ruux ayaa dhimatay kadib marki qof naftiis hure ah uu isku qarxiyey xaafad ku yaala gobolka Abyan ee dalka Yemen.

Sida ay xaqiijinayaan saraakiisha amaanka Yemen, weerar uu ninkaasi ku qaaday goob uu ka socday aas ayaa waxaa ku dhintay tobaneeyo halka ay ku dhaawacmeen dad intaasi ka badan.

Sarkaal ka tirsan maamulka dowlada ee gobolkaasi oo lagu mabagacaabo Jamal al-Aqal  ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Associated Press in qoska la aasayey uu ahaa qof ka tirsanaa maleeshiyo ciidamada amaanka ka caawiyey dagaalka ka dhanka ah Al Qacida.

Waxa kale oo uu sheegay in goor hore oo saakay ah la dilay shan ka mid ah dagaalyahanada Al Qacidada Yemen kadib duqeymo ay diyaaradaha iswada ee loo yaqaano Drone-ka la beegsadeen gaari ay la socdeen oo marayey gobolka Xadramuut.

Yemen ayaa waxaa ka jirta koox ka tirsan Al Qacida oo lagu magacaabo Ansar Al Shareeca, xoogeeda wuxuu ka dagaalamaa dhinaca koonfureed.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here