QM:waan sii wadi doonaa taageerada Soomaaliya

Xoghayaha guud ee QM Baan Kii Moon, ayaa sheegay in shalay markii uu soo gaaray warka sheegaya in kooxo katirsan Al-shabaab ay weerareen xaruunta UNDP ee Muqdisho uu aad u carooday.

Weerarkii shalay ayaa waxaa lagu dilay dad kabadan 20 oo ay ku jiraan 8 kamid ah shaqaalaha QM, oo la sheegay ineey kujireen muwaadinin u dhashay dalka Britain.

Baan Kii Moon, ayaa la sheegay waxyar kadib markii uu weerarka dhacay inuu qadka Taleefanka kula soo xiriiray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana uu uga tacsiyeyay dadkii ku dhintay weerarka, waxaana uu ballan qaaday in QM ay sii wadi dooto taageeradeeda Soomaaliya.

“QM weey sii wadi doontaa tageerada Soomaaliya, uma joojin doono ficilada xun xun ee ay ku kacaan kooxaha Argagaixisada ah ee kasoo horjeeda nabada iyo Horumarka Soomaaliya” ayuu yiri afhayeen u hadlay xoghayaha guud ee QM.

Dhanka kale golaha amaanka oo qayb ka ah QM ayaa aad u canbaareeyay weerarkii shalay, waxayna bogaadiyeen tallaabadii geesinimada lahayd ee ay Ciidamada doowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ugu gurmadeen shaqaalihii ku jiray gudaha xaruunta UNDP.

Golaha amaanka waxay sidoo kale sheegeen in weerarada kooxda Al-shabaab aysan daciifin doonin dadaalada beesha Caalamka iyo QM ay ka hayaan Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkii shalay, kaasoo lagu bartilmaameedsaday dhismaha UNDP ee magaalada Muqdisho ay ku lahayd.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here