Q/midoobey oo soo magacowday Kuxigeenka Nicholas Kay

Mr.-Raisedon-ZenengaXoghayaha guud ee qaramada midoowe mr Ban-Kimoon ayaa umagacaabay Raisedon Zenenga oo kasoo jeeda wadanka Zimbabwe inuu noqdo kuxigeenka uqaabilsanaha qaramada midoowe ee Somalia.

Afhayeen uhadlay qaramada midoowe oo lagu magacaabo Stephane Dujarric ayaa sheegay in mr ban oo soo magacaabay Zenenga kadib markii uu arkay howl karnimadiisa.

Zenenga ayaa badalaya ms  Fatiha Serour oo kasoo jeeda dalka Algeria sida uu sheegay Dujarric “ xoghayaha qaramada midoowe  aad buu ugu mahadnaqayaa inta shaqada ay soo haysay ms Serour ,qaasatan taageerada dhanka siyaasada hormarka iyo dhanka xuquuqda aadanaha Somalia “ ayuu lagu yiri warbixin kasoo baxaday mr Ban.

Kuxigeenkan cusub ee hada lasoo magacaabay waxa uu hayaa xilka kuxigeenka uqaalsanaha qaramada midoowe ee howlgalka koonfurta Sudan.

Zenenga ayaa kasoo shaqeeyay xarunta qaramada midoowe ee New York mudo 10 sano ah ,wuxuuna sidoo kale kaqeybqaatay howlgalo nabad ilaa lineed oo ay qaramada midoowe kasameesay qaaradan Africa.

Waxaa uu kabaxay mr Zenenga jaamacada Zimbabwe waxa uu darajada koowaad kaqaatay kuliyada maamulka iyo siyaasada,hada waa aabe leh 3 caruur ah.

1 COMMENT

  1. ku xigeenka Maxada Qaramadda midoobey ee Soomaaliya. waxaa loo baahnaa inuu noqdo Qof Soomali ah, sababtoo ah dadkaan la iska soo magacaabayo oo aan la garaneyn shaqadda ay soo qabteen iyo ujeedada ka dambeysa Magacaabistooda. wax badan ma ku soo kordhinkaraan dalka. waxaa loo baahna in qofka ku xigeenka u ah Mr kay uu noqdo qof soomali ah, si loo markaasi loo ogaado shaqaddda rasmiga ah ay qaramadda midoobey ka waddo soomaliya. dadka Soomaliyeedna u helaan ” warbixint sanadleh ” oo ku saabsan waxqabadka Qaramadda midoobe ee Soomaliya.

    Hadda tuhunka jira :-

    1. Soomaali badan ayaa aaminsan in sababta qaramadda midoobe ay u joogto ay tahay fufudeynta dahana siyaasadeed ee Dowladda mareykanaka iyo mida UK.

    laakiin haddii aanu nahay soomalida mar kasta waan soo dhaweyneynaa shaqadda iyo howsha Qaramadda midoobey ee soomaliaya, waxaanu ka rajeynayaa iney ku saleysnaato mabaadiida horumarineed oo ay mujtamaca soomalaida ah hiigsanayaan. sideo kale ka cawiyaan in Mutamaca Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ku jiro Xeryaha Qaxootiga, laga caawiyo in dib u dejin buuxdo loo sameeyo. lagana soo saaro xeryaha Qaxootiga si ay u helaan nolol la mid ah mida ay muwaadiniinta kale ee caalamka helaan.

    Nabadgelyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here