Q/Midoobeey oo Cambaareysay Xasuuqii ka dhacay Mandhera

514854-bankimoon

Ban ki Moon xog’hayaha guud ee Q,M oo soo saaray war saxaafadeed ujeedkiisu ahaa cambaareyntii weerarkii shalay Al-Shabab ku dileen 28 ruux oo ka dhacay meel u dhaw magaalada Mandheera ayaa u soo jeediyay dawladaha Soomaaliya iyo Kenya inay iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Xarakadda Al-Shabab

War saxaafadeedka Ban ki Moon waxaa uu ku sheegay in weerarkii shalay uu muujinayo awooda Al-Shabab ee willi gobolka ka jirta waxaana uu intaa ku daray in looga adkaan karo iskaashi dhanka amaanka ah oo dhex mara dawladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Wakaaladda wararka Shinwaa oo warkaan qortay waxay ku waramaysaa in Q,M ay  dawlada Soomaaliya iyo Kenya ka saacidayso sugida amaanka xaduuda ay wadaagaan waxaana Ban Ki Moon xog’hayaha guud ee Q,M uu sheegay talo ahaan u soo jeedinayo in dawladaha Soomaaliya ay wadaagaan xogaha lagu sugi karo amaanka xaduuda labada dal u dhaxeysa

Sidoo kale xog’hayaha guud ee Q,M waxaa uu sheegay inuu xanuunka la wadaagayo ehelada dadkii shalay la dilay.

Sidoo kale dawlada dawlado kale oo ay ka mid yihiin Masar, Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa cambaareeyay weerarkii shalay ka dhacay magaalada Mandheera oo ay Al-Shabab sheegeen inay uga aar gudayeen Muslimiin ciidamada Kenye ku dhibaateeyeen magaalada Mombasa.

1 COMMENT

  1. Dagaal waxa fa’ido ah oo ku jiro maleh. Qof aan waxba galabsan ama ha noqdo Kenyan ama Soomali in dhib loogeystana ma banaana. laakiin Soomaliya iyo kenya waxaa loo baahnaa iney arintooda si gooni ah uga wada hadlaan sidii ay xal waara uga gaari Qilaafyadda,Coladaha,Gaajada iyo Xasilonidardda haraadieys Geeska AFrika. sababtoo ah 2da shacab waa dad jecel nabadda,wadanoolaashaha iyo wax wada qabsiga.

    Bank-Moon,US,EU,UK iyo UN- uma hayaan 2da dhinac xal. sababtoo ah waxaa ayba ka mid yihiin dadki horeseeday in cadalad darro iyo dulmi dhacdo, loona geysto qeyb kamid ah 2da mujtamac. taasi oo aan hada arki karno natiijadda ay dhashey Foolxumadeeda. Tusaale, marki hore iney soo galaan Ciidamadda kenya waxaa ka dambey ama hor boodayay dowladda kale. waxayna ( FARo Gelinta ay KENYA ) ku sameysay Soomaliya timid, kadibn markii la sheegey dad igu caawineyay ( Mutawaciin) u joogey mid kamid ah xeryaha Qaxootiga la afduubey, loona watey dhanka Soomaaliya. Wararkaas oo aha Been aan WAxba ka jirin ayay idaacadaha Caalamka Baahiyeen, si markaasi cadaadis loo saaro kenya loona sheego in dalkeda uusan ahayn amaan. taasi oo markii dambe dhalisey iney soomaliya galaan….
    Ku jiritaanka iyo joogista Dal aan dalkaaga ahayna wax fa’ido ah kuma jirto- kenya ma garwaaqsan arintaasi iyo Cawaaqibka ka dhalinkaro.

    Waxaa loo baahan yahay in dadka Caqliga saaxiibka u ah galan arintaan, xilna iska saaraan. si loo damiyo colaadaha aan loo baahneyn ee ka dhasha Musiibooyinka noocaan ah.

    xalka xagee laga doonaya.

    1. in Kenya ku soo noqoto xududeeda, kadibna ciidamadda ka jooga Soomaliya ay ka soo baxaan, sababtoo ah dad badan oo soomali ah ayaa diidan in Ciidan ajnabi jooga ama gudaha ay u soo galaan Xuduuda Dalka.
    2.in Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ilaashadaan Xuduudahooda, oo markasi la sameeyo ciidan Xuduuda ilaalsha oo ah Soomali.
    3. in Dadka dhibka Wada ama loo arko iney hurinayaan Colaadaha, laga hortago, lana joojiyo Musiibo dambe oo noocaan ah iney ay dhacdo.
    4. xakameynta dadka iyagu ku qaraabta ama heysta website-yadda aan diwaangasheyn, kadibna qeyb ka ah Xasilonidaradda, si markaasi ay mujmtamacadka 2da dhinac uga gadaan warar aan xagiiqo aheyn, isla mar ahaantana si qaldan u mar habaabinaya Shacabka walalaha ah.

    Xal hadii la raadinayo waa in sida SAGXADA ah ama waddo sax ah loo qaada..miiskana la isugu keenaa dadka ay arinta quseyso.. kadibn xal waa laga gaari kara weliba si fudud arimaha noocaan oo kale ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here