Q/Midboobey oo Fariin usoo dirtay R/wasaare Cumar C/rashiid

514854-bankimoonXoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Banki Moon ayaa u hambalyeeyey Cumar Cabdirishiid, afayeen u hadlay xoghayahana waxa uu sheegey in Banki Moon uu codsaday in lasoo dhiso xukuumad wadaag ah.

Waxa kale oo uu xoghayaha sheegey in dhamaan dhinacyada ay ka wada shaqeeyaan sidii Soomaaliya u gaari lahayd nabad iyo isbadal siyaasadeed, islamarkaasina dhinacyada u noqon lahaayeen kuwa wada shaqeeya.

“Waa in ay sii labo jibaaraan dadaalkooda ah in la dhameeyo qalalaase siyaasadeed oo markale soo laabta” ayuu yiri afayeenka Ban Ki Moon.

Cumar Cabdirishiid ayaa loogu baaqay in wadashaqayn dhow uu la yeesho maamul goboleedyada dalka ka jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here