QM oo war ka soo saartay sida loo isticmaalo hubka la siiyo DF Somalia

QM oo war ka soo saartay sida loo isticmaalo hubka la siiyo DF Somalia
QM oo war ka soo saartay sida loo isticmaalo hubka la siiyo DF Somalia

Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan dagabalka hubka Soomaaliya ee UN Monitoring Group ayaa ka digtay in ay sii kordhayaan qorshaha nidaamsan ee lagu weecinayo hubka magaca dowladda Soomaaliya ku soo gala dalka.

Warbixinta kooxdaan oo 14 bog ka kooban, ayaa lagu sheegay in la taliye sare oo ka tirsan madaxtooyada kuna beel ah madaxweynaha uu ku lug leeyahay u gudbinta hubka Yuusuf Ciise oo ka tirsan horjoogayaasha Al-Shabaab.

Warbixintaan oo nuqul ka mid ah ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa lagu sheegay in aan si rasmi ah loo tira-koobi karin cadadka hubka ee sida dhuumaaleysiga ah looga saaray bakhaarrada lagu kaydiyo hubka ee ay maamusha dowladda federaalka ah.

Kooxda UN Monitoring ayaa la sheegay in warbixintooda ay ku xuseen in hub laga soo qaaday dal ku yaalla Khaliijka oo aan lala socodsiin kooxda la geeyey Muqdisho, iyadoo hubkaas lagu xareeyey bakhaar si gaar ah loo maamulo oo ku yaala Muqdisho.

Hubka laga keenay Khaliijka ayaa maamulkiisa la sheegay in ay ku lug leeyihiin xubno sare oo ka tirsan beesha Habargidir, waxaana warbixinta UN Monitoring lagu sheegay in u qaybinta hubka qaab beel ahaan ay yareyneyso rajadii laga qabay in dowladda ay la timaado istaraatiijiyad ay kula dagaallameyso Al-Shabaab.

Kooxda UN Monitoring ayaa ku talisay in si buuxda dib loogu soo celiyo cunaqayabtaynta hubka ee saarneyd Soomaaliya ama la helo nidaam adag oo lagula soconayo hubka soo galaya Soomaaliya.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sanad ka hor khafiifiyey cunaqabateyntii hubka ee saarneyda Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay soo iibsan karto hub noocyada fud fud ah.

Xigasho: BRK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here