QM oo soo dhaweeysay shirkii New Deal ee Brussels

543453_642138102473481_567033093_nQaramada Midoobay ayaa guul taariikhi ah waxa ay ku tilmaamtay shirka Soomaaliya ee shalay oo Isniin ahayd ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa sheegay in ay tani tahay tallaabo aad u muhiim ah, marka loo eego xaaladda ay soo martay Soomaaliya.

Waxa uu xusay in Qaramada Midoobay ay gacan ka geysan doonto hirgelinta go’aannadii ka soo baxay shirka.

Shirka The New Deal For Somalia ee shalay ka dhacay dalka Belgium ayaa lagu tilmaamay mid Soomaaliya u noqonayo waddo ay ku gaarto horumar iyo mustaqbal wanaagsan saddexda sano

Shirka ayaa lagu ballan qaaday lacag gaareysa ilaa laba bilyan iyo bar oo dollar, taasoo la rabo in wax looga qabto ayaa dib-u-dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Xassan Sheek Maxamuud waxa uu u sheegay warbaahinta in uu ku qanacsan yahay ilaa iyo haatan ballanqaadyadaasi dhaqaale ee caalamka, soona dhaweynayo. Waxanu ku tilmaamay inay wax ka tari doonto dib-u-dejinta Soomaaliya, ka bacdi tobannaan sano oo qas iyo dagaallo jireen

Ururka Midowga Yurub iyo dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya labaduba waxay ku qanacsan yihiin inay tahay haatan waqtigii ku habboonaa hirgelinta barnaamijyada horumarinta, si looga guuro heerkii gargaarrada bani’aadminnimada oo keliya, marka loo eego horumarka laga samaynayo dhinaca deganaanshaha.

Sida uu sheekay madaxweyne Xassan Sheekh, waxa mudanaanta la siinayaa ugu horrayn wax ka qabashada afar arrimood oo ugu muhiimsan, ayna ka mid yihiin nabadgelyada iyo deganaanshaha, dibuhabyanta caddaaladda, nidaamka xisaabaha iyo hantida dawladda, iyo dib u soo kaabashada dhaqaalaha dalka.

Guddoomiyaha ururka Midowga Yurub Jose Manuel Barroso ayaa isna sheegay in lacagahani dheeraadka ah loogu talo galay in wax lagaga bedelo xaaladaha nololeed ee Soomaalida. Deeqaha haatan lagu yaboohay intooda badan waxa ballanqaaday Ururka Midowga Yurub, iyo dalalka ay ka midka yihiin Denmarka, Germany, Sweden, iyo Ingriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here