QM oo sheegtay in nafaqo-darro weli ay hayso dad badan oo Soomaali ah

Hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka bini’aadannimo ayaa sheegay in carruur da’doodu ay ka yar tahay 5 jir, oo tiro ahaan gaaraya 250 kun ay xaalad nafaqo darro ah ku haysato qeybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartay Isniinta maanta laanta hay’adda FAO u qaabilsan qiimeynta xaaladda cuntada iyo nafaqada Soomaaliya ee FSNAU ayaa lagu sheegay in 45 kun oo carruurtan ka mid ah ay la il daran yihiin nafaqo darrada haysa.

Hay’ado badan ayaa la sheegay inaaneyn qeybo ka tirsan dalka weli gaarsiin karin kaalmo isugu jirta cunto iyo daawo sabab dhinaca ammaanka ah awgeed.

Inta badan carruurta la il daran nafaqo xumada ayay warbixintu sheegtay inay ku nool yihiin gobollada koonfurta Soomaaliya, waxayna warbixinta sheegtay in sababaha keenay nafaqo darrada loo aaneyn karo cudurro, nadaafad xumo iyo raashin ku filan oo aaneyn helin carruurta.

Ugu dambeen hay’adaha gargaarka ayaa walaac ka muujiyay xaalado la xiriira shuban biyood daran oo ka dillaacay qaar ka tirsan deegaannada, xilli inta badan goobaha caafimaadka ee dalka aaney haysan dawooyin ku filan oo wax looga qaban karo shuban biyoodka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com