QM oo sheegtay in 7 ruux ay ku dhinteen fatahaadaha ku dhuftay Koofurta Soomaaliya

QM, ayaa sheegtay in fatahaado ku dhuftay qaybo kamid ah Koofurta iyo bartmaha Soomaaliya, ay ku dhinteen 7 ruux oo u badan caruur.

Xafiiska QM u qaabilsan isku dubaridka howlha bini’aadanimada ee (OCHA) ayaa diiwaangaliyay, in 7 ruux oo caruur u badan ay ku dhinteen daadadkii ugu danbeyay, sidoo kalena kumanaan ay ku barakaceen.

QM, ayaa sheegtay in magaalooyinka (Jowhar, Baydhabo iyo Miido) ay yihiin magaalooyinka ugu daran ee ay sida ba’an u saameeyeen fatahaadaha.

Sidoo kale fatahaadahaan ayaa saameeyay degmada W/weyn ee shabeelada Hoose, sidoo kale deegaanka Xudun ee gobolka Sool iyo deegaanka Dharoor oo iyana ka tirsan gobolka Sanaag.

Sidoo kale magaalada Caabudwaaq oo ka tirsan gobolka Galgaduud, ayaa warbixinta lagu xusay in ay saameeyeen fatahaadaha.

QM, ayaa ka digtay in deegaanadaas ay ka dilaaci karaan Cudurada (Shuban biyoodka, Kaadi dhiiga iyo Duumada).

Sidoo kale fatahaadahaan ayaa saameyn ku yeeshay beeraleeyda oo iyaga xiligaan isku diyaarinayay ineey wax beertaan, laakiin daadadka ayaa baabi’iyay dhul beereed weyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here