QM oo sheegtay in 3,000 Askari ay AMISOM kaga dhimatay howlgalka Soomaaliya

Masuul weyn oo katirsan QM, ayaa Khamiistii sheegay in Ciidamada ka socda midowga Afrika (AMISOM) ee howlgalka u jooga gudaha Soomaaliya, tan iyo markii ay soo gaareen 2007 ay ka geeriyoodeen Ciidan gaaraya ilaa 3,000 oo Askari.

“…Waxaan jeclahay inaan halkaan salaam sharaf uga diro wadamadii Ciidamadooda udiray Soomaaliya, kuwaasoo qiimo weyn ku bixiyay nabad kusoo dabaalida Soomaaliya…” sidaa waxaa saxaafada u sheegay Jan Eliasson, oo ah ku xigeenka xoghayaha guud ee QM.

Jan Eliasson, ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM howlgalka ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya, ay kaga dhinteen Askar gaareyso ilaa 3,000.

Ciidamada guud ee AMISOM kaga sugan Soomaaliya, ayaa lagu qiyaasaa 17,700 oo Askari, kuwaasoo ka kala socda wadamada Uganda, Burundi, Jabuuti, Kenya, Sierra Leone.

“…Ciidamada Uganda iyo Burundi waa kuwa ugu badan ee dhiigooda ku bixiyay nabad kusoo dabaalida Soomaaliya, Kenya sidoo kale kaalin weyn ayay ka qaadatay…” sidaa waxaa yiri Jan Eliasson.

Wadankan ku yaala geeska Afrika, ayaa 20kii sano ee lasoo dhaafay wuxuu ahaa wadan ay la dageen dagaalo sokeeye, iyadoo doowlada hada kajirtana ay ku dadaaleyso ineey dib u dhisto dalka, sidoo kale waxay ku dadaaleeysaa ineey isku keento bulshada Soomaaliyeed, oo qabiil qabiil, laf laf, jufo jufo ukala jabay.

Ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM, ayaa qayb weyn ka ahaa in Al-shabaab laga saaro godadkii iyo boholadii ay ka qoteen magaalada Muqdisho, iyo sidoo kale magaalooyin waaweyn, sida Kismaayo, Jowhar, marka, B/weyne iyo Baydhabo, laakiin Kooxda ayaa weli ah mi Qatar ah, waxaana taas cadeeyneysa weerar isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen dad shacab ah oo aan waxbo galabsan iyo madaxii sirdoonka dalka Qatar.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here