QM: 12,000 oo qof ayaa dib ugu soo laabtay Soomaaliya

Warbixin ay soo saartay hey’adda qoxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qoxootiga UNHCR ayaa lagu sheegay in dad ku dhow 12,000 oo qof ay dib ugu soo laabteen dalka Soomaaliya sagaalkii bilood ee sannadkan 2013-ka.

Warbixinta oo uu soo saaray xafiirka isku xirka arrimaha bini’aadinimada ee OCHA, ayaa lagu sheegay 1,500 oo qof oo ka mid ah dadkaas in ay ka yimaadeen waddamada Kenya iyo Ethiopia, halka kuwa kalena ay ka soo laabteen waddamada Yemen iyo Saudi Arabia.

Sida lagu sheegay warbixinta QM, dadka ka soo laabtay Kenya ayaa qaarkood waxa ay ahaayeen kuwa aan sharci heesan, halka kuwa kalena ay ka soo tageen dalkaas, markii dowladda ku amartay dadka Soomaalida ee ku nool magaalooyinka iska xaadiriyaan xeryaha qoxootiga gobalka waqooyi bari Kenya oo ah meelo go’doon ah oo ka fog magaalada.

Waxaa kaloo jira ayaa la yiri kuwa ka soo tagay Kenya markii doorashada madaxweynaha billaabatay kuwaasoo ka cabsi qabay haddii lagu murmo doorashada in ay ka dhacaan dalkaas ku yaalla geeska Afrika khalaaso la mid ah kuwii kal horre ka dhacay.

Ugu dambeen warbixinta OCHA,  ayaa lagu sheegay in ammaanka Soomaaliya wali aan la isku haleen karin, balse siddii horre uu hadda ka roon yahay oo dad badan ay dib ugu soo laabteen dalka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here