QM oo leh macaluushii ka dhacday 2011-kii Soomaaliya waxaa ku dhintay 258,000 oo qof

Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay soo saartay maanta waxa ayku sheegtay in dad kor u dhaafaya 258,000 kun oo qof oo Soomaali ah ay ku dhinteen abaartii iyo macluushii Soomaaliya ka dhacday sanadkii 2011.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dadka dhintay 133,000 oo ka tirsanaa ay ahaayeen carruur ay da’doodu ka yar tahay 5 sano .

Warbixinta ayaa lagu sheegay in meelaha ugu daran ee ay dadku ku dhinteen ay tahay gobolka Shabeellaha hoose oo siddeed iyo toban boqolkiiba ay carruurtu u dhinteen nafaqo-darro.

Saraakiisha QM ayaa tilmaamaya inkastoo ay beesha caalamku ka digtay arrinta in haddana macluusha ay sabab u aheyd biyihii cirka oo la waayay iyo beesha caalamka oo ka gaabisay wax ka qabashada dhibaatadii baahsanayd.

Si kastaba, warbixinta QM waxaa si wayn loogu dhaliilay beesha caalamka, waxaana warbixntan lagu soo beegay shirka 7-da bisha May ka dhacaya magaalada London ee dalka Britain.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here